Anthony Albanese ayaa mudo xileed labaad noqonaya RW Australia markii Laborku helay aqlabiyada kuraasta.

Anthony Albanese ayaa aqlabiyad ka wayn tii hore ee baarlamaanka ku guulaystay halka Hogaamiyaha mucaaradka Peter Dutton uu lumiyay kursigiisii Queensland.

ELECTION25 ANTHONY ALBANESE CAMPAIGN

Australian Prime Minister Anthony Albanese, Partner Jodie Haydon and son Nathan acknowledge the crowd at the Labor Election Night function at Canterbury-Hurlstone Park RSL Club. Source: AAP / LUKAS COCH/AAPIMAGE

Anthony Albanese ayaa sheegay inuu ku guulaystay doorashada federalka 2025, iyadoo Laborka lagu wado inuu mudo xileedkii labaad helaan aqalabiyad ka wayn tii hore.

Albanese ayaa taageerayaasha ugu sheegay Sydney in inuu noqdo RW ay isaga u ahayd sharaftii ugu waynyad noloshiisa.

"Waxaan dareen qashuuc iyo dareen masuuliyad waxa ugu horeeya aan ku leeyahay caawa shacabka Australia waa ku mahadsan tihiin fursada aad ii siiseen inaan u shaqeeyo dalka dunidan ugu fiican, ayuu yiri.

"Maanta shacabka Australia waxay doorteen qayimka Australia: cadaalad, hamilo iyo  fursad dadkoo dhan ay helaan."

"Shacabka Australia waxay u codeeyeen mustaqbal waafaqsan qayimkaas iyo mustaqbal ku wax kasta oo ina mideeya.

Laborka ayaa iskood dawlad us oo dhisaya iyagoo ay kordheen xubnohooda baarlamaanka kadib markii codadku dhanka dawlada u leexdeen gobolada intooda badan.

Kuraasta ay laborku ku guulaysteen waxaa ka mid ahaa kursigii hogaamiyihii mucaraadka Peter Dutton ee Dickson oo Queensland ku yaal.

Dutton ayaa kursigiisa waxaa uga adkaaday Ali France, tan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay oo hogaamiye mucaarad ah uu kursigiisa ku waayo doorasho federal ah. 
Australia Election
Australian Liberal Party leader Peter Dutton, third left, stands with his family as he makes his concession speech following the general election in Brisbane. Source: AP / Pat Hoelscher/AP
Mr Dutton ayaa qaatay masuuliyada guuldarada Isbahaysiga.

"Wixii la rabay ma aynaan samayn intii ololaha lagu jiray, taasi waa mid cad caawa," ayuu yiri.

"Waxaan waligay rabay inaan dadka u shaqeeyo oo aan ka shaqeeyo danaha dalkeena iyo shacabkeena.

"Waa habeen taariiqi u ah xisbiga Laborka, waana qiraynaa taas."

Siyaasadaha uu Albanese ku dhawaaqay waxaa ka mid ah in dadka markooda ugu horeeya gadanaya guri oo suuqa guryaha galaya ay horumariyaan 5% oo kaliya halka caadiyan dadku ay bixiyaan 20%. Sidoo kale waxay balanqaaday inay 10 bilyan oo doolar ku bixinayaan in la dhiso 100 kun oo guryo cusub ah.

Wuxuu sidoo kale balanqaaday $8.5 billion oo 18 milyan booqashooyin dhaqtar oo dawladu kabayso sanad walba taasoo qayb ka ah xoojinta medicareka.

Laborka ayaa sidoo kale balanqaaday $2.3 billion oo lagu kabayo batariyo kaydiya korontada qoraxda laga dhaliyo halka sidoo kale uu balanqaaday inuu gacan bir ah ku qabanayo qiimo kordhinta xaq darada ah ee dukaamada waaweyn..

Share

Published

Updated

Source: SBS


Share this with family and friends